FAAH FAAHIN Al-Shabaab oo meel fagaare ku toogtay nin ku shaqeysan jiray Sixirka

0
277

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay shalay ku toogteen deegaan hoos-taga degmada Qoryooley nin oday ahaa oo da’diisa lagu sheegay 50-jir, kaasoo ay gacanta ku hayeen.

Maxkamadda Al-Shabaab ayaa ninkaas ku eedeysay inuu ku shaqeysan jiray Sixirka, waxaana Qaadiga Maxkamadda uu ku riday xukun dil ah, iyadoo lagu toogtay meel fagaare ah oo dad badan goobjoog ka ahaayeen

Ninka la toogtay ayaa lagu magacaabi jiray Abuukar Xaaji Cumar, waxaana Al-Shabaab ay sheegeen in muddo shan sano uu ku shaqeysan jiray Sixirka.

Al-Shabaab ayaa horay waxaa ay goob fagaarayaal ah ku toogteen dad ay ku eedeeyaan inay basaasiin yihiin oo la shaqeeya Dowladda Soomaaliya, Mareykanka iyo dowladaha taageera Soomaaliya.