FAAH FAAHIN; Xildhibaanadda baarlamaanka dowlad deegaanka Soomaalida oo maanta gacan ka hadal ku dhexmaray Jigjiga.

0
142

Wararka ka imaanaya Magaalada Jigjiga ayaa waxaa ay ku waramayaan in maanta uu gacan ka hadal isku badelay fadhiga baarlamaanka dowlad deegaanka Soomaalida.

Fadhiga Baarlamaanka ayaa waxaa soo xaadiray xildhibaano tiradooda gaaraysa 180 mudane, iyadoona xildhibaanada ay isku qabteen labo ajandi oo aan ku jirin ajandayaashii hore ee loo gudbiyay xildhibaanada.

Sidoo kale ciidamada ayaa waxaa ay xireen weriyaal ka howlgalay Tv maxali ah oo kuĀ  yaala magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka soomaalida.

Dhanka kale Ciidamada badan oo liyuu booliska ayaa maanta lagu soo daadiyay wadooyinka Magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Xaalad kacsanaan ayaa maanta waxaa ka jirtaa magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka soomaalida.