Hogaamiyaha labaad ee ugu sareeya ururka Daacish oo la qabtay

0
109

Sirdoonka dalka Ciraaq ayaa sheegay ayaa sheegay inay qabteen ninka labaad ee ugu sareeya ururka Daacish oo lagu magacaabo Naasir Al-Qirdash kadib howl laga sameeyay gudaha dalka Ciraaq.

War kasoo baxay sirdoonka Ciraaq ayaa lagu sheegay in hogaamiyahaan oo aad loo doonayay uu sidoo kale mar isku sharaxay qabashada hogaanka ururka Daacish markii la dilay Abu Bakar Al-Baqdadi hase ahaatee ururku u magacaabeen ku xigeenka ururka.

Wargayska Sumaariya ayaa soo bandhigay sawirada hogaamiyahaan la xiray oo ku labisan qamiis casaan iyo hurdi ah oo indhaha ka xiran.

Faafaahin intaa ka badan lama bixin.