Ilhaan Cumar: maxay ka tiri ibtilada ka oogan Minneapolis?

0
312

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo aqalka Congress-ka Mareykanaka ku matasha Minneapolis ayaa sheegtay waxa magaalada ka socda iney yihiin wax aad looga calool xumaado.

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo BBC wareysi gaar ah siisay waxay sheegtay iney khalad tahay magaaladeenna oo gubaneyso inaan ku fiirsanno.

“Waxaan ku dadaaleynaa sidi loo ilaalin lahaa dukaamada iyo goobaha kale ee ganacsiga ee magaalada ka jira, Baarasaabka, Maayarka Minneapolis iyo Maayarka Saint pole waxay aad iyo aad uga shaqeyn hayaan oo ay dadaal ugu jiraan sidi badqabka iyo amniga bulshada ay u adkeyn lahaayeen.”

“Annaga waxaan ku dadaaleynaa sidii aan bulshada ugu sheegi lahayn iney bulshooyinkooda iyagu ilaaliyaan oo ay fiiriyaan dadka iyaga ka baxsan ee bannaanka ka imanaya ee isku dayaya iney dhibaatooyin ay dadka u geystaan” ayey tiri.

Ilhaan cumar oo ah xildhibaan ka tirsan aqalka Congress-ka Mareykanka ayaa BBC u sheegtay arrimaha noocani ah ee soo noqnoqday iyo dhacdadan ugu dambeysay ee ninka madowga lagu dilay iney cashar ka qaadanayaan.

“Wiil miskiin ah ayaa la dilay oo ay boolisku dileen, waxaan ka shaqeyneynaa iney booliisku mardambe ay helin fursad ay sidaas oo kale qof naftisa ku gooyaan, taasina waxaan ka soo gudbin doonnaa sharciya cusub oo sidii booliska ay magaalooyinkeenna uga dhex shaqeyn lahaayeen iyo iyagu haddi ay dambi galaan sharcigi lagu qaadi lahaa.”

“Qasaaraha ka soo gaaray ganacsigana waxaa ku dadaaleynaa sidi aan bulshooyinka ganacsatada ee ay qasaaraha soo gaareen taakulo ugu keeni laheen, waan ognahay dad badan ganacsigooda iney gubteen oo dhaqaala badan oo ay ka soo shaqeeyeen ay ku baaba’een, taasina waa shaqa annaga oo dhan aan isku xilsaareyno haddii aynu nahay dadka matalo Minneapolis sidi ay degdeg dakaasi ay taakulo ku heli lahaayeen si ay ganacsiyadooda dib ugu furaan” ayey tiri Ilhaan Cumar.