Messi, Ronaldo Iyo Rooney Oo Lagu Garaacay Da’yarkii Goolasha Ugu Badan Dhaliyey Intii Aanu Gaadhin 21 Jirka

0
122

Ronaldo Nazario ayaa noqday laacibka goolashii ugu badnaa dhaliyey taariikhda kubadda cagta ka hor intii aanay da’diisu gaadhin 21 jirka, waxaanu si cajiib ah u garaacay xiddigaha hadda ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Halyeyga reer Brazil ayaa sannadkii 1994-kii kasoo baxay kooxda Cruzeiro ee ka dhisan waddanka Brazil ka hor intii aanay qabannin indhaha kooxda PSV Eindhoven ee Ntherlands, iyadoo uu isla sannadkaas loogu yeedhay xulka qaranka Brazil ee ka qayb-galay Koobkii Adduunka ee lagu qabtay Maraykanka, finalkiina rikoodheyaasha ku garaaceen Talyaaniga.

 

Ronaldo Nazario oo koobkaas adduunka kaydka ku qaatay maadaama oo ay da’diisu aad u yarayd, waxa intii aanay da’diisu gaadhin 21 jir uu saftay 185 ciyaarood oo xulka qarankiisa iyo kooxahaba iskugu jira, waxaanu dhaliyey goolal rikoodh ah oo aanay cidina uga horreynin laacib kale oo uga dambeeyeyna aanu jirin.

Waxa diiwaanka loo geliyey 185-kaas ciyaarood 167 gool, waana rikoodhka aanay illaa hadda gaadhin ciyaartoyda kale ee iyagoo yar soo baxay ee dunida laga hadal hayo.

Xiddiga ay isku waddanka yihiin ee Neymar Jr ayaa kaalinta labaad ku jira ciyaartoyda goolasha ugu badan dhaliyey intii aanay da’doodu gaadhin 21 jirka.

Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa siddeedaad iyo sagaalaad ku kala jira, waxaana tobnaad dhamaystiray halyeygii Arsenal ee Thierry Henry oo 31 gool saxeexay 134 ciyaarood oo heer kooxeed iyo qaran ba ah.

Kylian Mbappe oo ay da’diisu tahay 21 jir ayaa saddexaad ku jira oo 166 gool dhaliyey, waxaana kaliya uu u baahan yahay inuu dhaliyo laba gool oo kaliya inta aanu ka bixin 21 jirka si uu uga sare maro Ronaldo Nazario.

Halkan ka akhriso sida ay u kala horreeyaan goolasha iyo kulamada ay safteen ba:

10.) Thierry Henry – 31 gool 134 ciyaarood oo uu saftay

9.) Cristiano Ronaldo – 36 gool 182 ciyaarood oo uu dheelay

8.) Lionel Messi – 51 gool 140 ciyaarood oo uu dheelay

7.) Karim Benzema – 62 gool 143 kulan oo uu ciyaaray

6.) Wayne Rooney – 66 gool 212 kulan oo uu ciyaaray

5.) Michael Owen – 76 gool 156 kulan oo uu ciyaaray

4.) Sergio Aguero – 84 gool 213 kulan oo uu ciyaaray

3.) Kylian Mbappe – 166 gool 199 kulan oo uu ciyaaray

2.) Neymar – 140 gool 227 kulan oo uu ciyaaray

1.) Ronaldo Nazario – 167 gool 185 kulan oo uu ciyaaray