Wararkii ugu dambeeyey Xayiraadii saarneyd Islii oo waqtiga lagu kordhiyay

0
132

Xayiraadii saarneyd xaafadda Soomaalida ay degan tahay ee Islii ee magaalada Naiorbi ee dalka Kenya ayaa waxaa lagu kordhiyey muddo 16 maalmood ah, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Kenya.

Wasiirka Caafimaadka Kenya ayaa sheegay in tallaabadan looga gol leeyahay xakameynta cudurka COVID-19 oo kiisas badan laga diiwaangeliyay dalkaasi Kenya.

Go’aanka Dowladda ayaa bulshada Soomaalida Islii waxaa ay sheegeen in si gaar ah ayaga loogu beegsanayo, sida ay hadalka u dhigeen, ayaga oo codsaday in laga laabto go’aankan.