Bandhig Faneedyada Maalmaha Ciida Oo Laga Mamnuucay Somaliland

0
69

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdullaahi Axmed  ayaa ka hadlay Bandhiga Faneedyada ama Showyada ay Fanaaniinta ku qabtaan Magaalada Hargeysa iyo degaannada kale ee Soomaaliland Maalmaha Ciida iyo Mowqifkooda.

Wasiirka oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu sheegay in bilihii la soo dhaafay ay yaraadeen Bandhig Faneedyada, waxaana uu mamnuucay in Bandhig Faneedyo lagu lagu qabto Maalmaha Ciida Magaalada Hargeysa ee degaannada Soomaaliland.

Waxaa uu sheegay in sababaha ay u joojiyeen Bandhig Faneedyada ay tahay inay ka hor imaanayaan dhaqanka Suuban ee Islaamka iyo sidii looga horteggi lahaa Cudurka Coronavirus oo kiisas kamid ah laga helay degaannada Soomaaliland maadaama dadyow farabadan ay isugu imaanayaan.

Ugu dambeyn Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdullaahi Axmed waxaa uu amray Ciidamada Booliska Soomaaliland inay ka hortagaan Bandhig Faneedyada lagu qabto Magaalada Hargeysa iyo degaannada kale ee Somaliland, isla markaana dadka wada ay tallaabo ka qaadan.

Degaano badan oo dhulka Soomaalida ah ayaa waxaa Maalmaha Ciida Fanaaniinta Soomaaliyeed ay ku qabtaan Bandhig Faneedyo, iyada oo dadka ay ku daawadaan lacago kala duwan, waxaana meelaha Bandhig Faneedyada ama Showyada lagu qabanaayo kamid ah Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya