Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo shacabk ugu hambalyey maalinta ciidul Adxaa

0
76

Guddoomiyaha Madasha Xibiyada qaran ahna Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta koowaad ee Ciidul Adxada.

Shariif ayaa ugu baaqay bulshada in ay farxadda iyo isku marxabeyntooda la wadaagaan eheladooda iyaga oo ilaalinaya caafimaadka guud maaddaama uu jiro  caabuqa Covid19, waxana bulshada uu ku boorriyay in ay qaataan talooyinka caafimaadka ee hay’adaha caafimaadka ay soo jeediyeen.

Guud ahaan dalka ayaa maanta waxaa looga dabbaal dagay munaasabadda Ciidul Adxaaga oo maamnta ay tahay maalinteda kioowaad, waxaana gobalada dalka iyo Mgalaada Muqdisho ee Caasimadda dalka si weyn looga dareemay farxadda ciidda