SAWIRO: Sida looga ciiday magaalada Baledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan

0
117

Magaalada Baledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa maanta si weyn looga ciiday maalinta koobad e ciidul adxa iyado salaadii ciida lagu tukaday masaajidada waaweyn ee magaalada waxana ciida si weyn looga daremay guud ahaan magaalada.

Subaxnimadii hore ee maanta ayaa Masaajidada iyo Garoomadda waa weyn, ay bulshadu ku tukadeen Labadii Rakacadood ee Salaada Ciidul Adxaa.

Shacabka Baledweyne ayaa isugu hambalyeynaya maalintan qiimaha badan, waxaana qaarkood ay isku booqanayaan guryaha, si ay muujiyaan farxada Ciidul Adxaa.

Toban kun oo Xujey ah sanadkaana gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa shalay istaagay Banka Carafo, halkaasi oo muslimiinta ku gudanayaan mid ka mid ah Rukniyada ugu muhiimsan Xajka.