{DAAWO SAWIRADA} Mid ka mid ah Beelaha daga G/Hiiraan iyo Sh/dhaxe ayaa Nabadoon maanta ku duubatay Baledwyne.

0
188

Nabadoon Xasan Cabdi Cadow ( Xasan Barre ) ayeey Beesha Muuse Cali ee Uurka xeeb u caleema saartay in uu badalo Nabadoonkoodii hore Alle u naxariisto Cabdi Cilmi Salaad .

Calema saarka Nabadoonka ayaa waxaa ka soo qeyb galay qeybaha bulshada sida nabadono waxgarad dhalinyaro haweyn iyo ganaacsato

Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay Maxamed Maxamuud Fareey oo ka mid ah waxgaradka beesha maanta nabadoonka dooratay wuxuuna goobta ka shegay in Nabadoon Xasan Barre loga fadhiyo shaqo adag maadaama xilka maanta loo dhiibay uu aad u culus yahay.

Nabadoon Saney Garaad oo ka mid ah oo ka mid ah Nabadoonada ugu caansan degaanka Hirshabelle ayaa kula dardaarmay nabadoonkan cusub ee maanta la caleema saaray in uu ka shaqeeyo sidii uu isugu wadi lahaa beesha uu nabadoonka u yahay iyo beelaha kale ee degaanka la dagan.Nabadoonka Guud ee Beesha Uurka Xeeb Nabadoon Xasan Macalim Gashiin ( Gashiin ) ayaa soo dhaweeyay Nabadoon Xasan Barre waxaana uu balan qaaday in uu si buuxda ula shaqeynayo Nabadoonka Cusub.

Ugu dambeyn waxaa goobta ka hadlay Nabadonka maanta la calema saaray Nabadoon Xasan Cabdi Cadow ( Xasan Barre ) ayaa soo dhaweeyay xilka loo dhiibay waxaana u balan qaaday in uu sharciga Islaamka ku dhaqi doono beesha uu matalo.