Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha oo shaqadda ka ceyriyay xoghayaha Joogtada ah

0
72

Sii hayaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa shaqadda ka ceyriyay Cabdirisaaq Caato oo  xilkaasi la wareegay 28- Bishii lasoo dhaafay , islamarkaana Magacaabay maalmo kooban.

Shaqo ka ceyrinta ayaa aheyd mid deg deg ah.

“Waxaan Cabdiraxmaan Mucaawiye Sheekh Ibraahim u magacaabay in si KMG ah uu u haayo xilka xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska R’iisul wasaaraha. Waxuu bedelayaa Cabdirisaaq Xuseen Aadan oo si KMG ah horay ugu hayay xilkaan” ayuu yiri Mahdi Maxamed Guuleed.

Jahwareer badan ayaa jira Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha tan iyo markii xilka laga qaaday Ra’iisul Wasaarihii dalka Xasan Cali Kheyre.