Al-Shabaab oo weerar ku qaaday Saldhig ciidan ku yaalla Qooqaani

0
46

Dagaal culus oo u dhaxeeyay Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM iyo Ciidanka Daraawiishta Jubaland oo dhinac ah iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Qooqaani oo hoos-taga degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalkan ayaa yimid kaddib markii dagaalamayaal ka tirsna Al-Shababa weerar ku qaadaan saldhiga Ciidanka ee ku yaalla deegaanka Qooqaani.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu khasaare kala duwan uu sababay, iyadoo saraakiil ka tirsan Jubbaland ay ku warrameen inay iska difaaceen weerarka Al-Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya inay maqlayeen hub culus oo labada dhinac isu adeegsanayeen, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay, maadaama dagaalka uu ahaa mid habeen ah, goobta dagaalka ka dhacay ay aheyd goob ciidan oo aanay dadku wax badan ka ogaan karin.

Al-Shabaab ayaa inta badan xilliyada habeenkii weeraro culus ku qaada saldhigyada Ciidamada, waxaana weeraradaas isugu jiraan kuwo toos ah iyo qaraxyo baabuur lagu soo raray.