Wade Mooto Bajaaj Oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

0
74

Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda ayaa Magaalada Muqdisho waxaa uu ku dilay mid ka mid ah Dhalinyarada ku shaqaysata Mooto Bajaajta, waxaana dilku uu ka dhacay degmada Hodo ee Gobalkani Banaadir.

Dilka ayaa si gaar ah uga dhacay Xaafadda Soonakey ee Degmada Hodan, waxaana wararku sheegayaan in Marxuumka la dilay uu waddada dhinaceeda ka qaaday Askariga, balse markii ay marayeen Soonakeey ayuu Rasaas ku furay Wiilkii Moota Bajaajlaha ahaa, iaydoo uu goobta ku geeriyyoday marxuumku.

Waxaana goobta falku ka dhacay gaaray Ciidanka dowladda iyo Ehelada marxuumka la dilay.

Wararku waxaa ay sheegayaan in uu Askarigu ahaa mid soo is ticmaalay Waxyaabaha maanka dooriya, iyadoo dad Goob joogayaal ah ay inoo sheegeen in  Maydkii Marxuumka la dilay la geeyay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Dilka loo gaysto Wadayaasha Mooto Bajaajta ayaa magaalada Muqdisho joogto ka noqday, waxaana Ciidanku ay tiro dhowr jeer ah dil u gaysteen dhallinyaro badan oo ku shaqaysan jiray Mootada Seddex lugooleyda ee Bajaajta loo yaqaan.