Allaha u naxariistee Kooxo hubaysan ayaa maanta magaalada Muqdisho ku dilay sarkaal ka tirsan ciidanka booliiska Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu magacaabaa Ahmed Mousa Mohamud.
Sarkaalkan oo ka tirsanaa ciidanka Booliska ayaa waxaa kooxaha hubaysan ku dileen degmada Kaxda ee gobalka Banaadir sida ay Warbaahinta u sheegeen goobjooga yaal ku sugnaa nawaaxiga uu falka ka dhacay.
geerida Marxuunka ayaa sababatay markii Kooxda hubaysan ay xabadda ama rasaasta uga dhuftay qeybta sare jirkiisa sida madaxa iyo feeraha taas oo keentay inuu u geeriyooday sida ay mar kale warbaahinta u sheegeen goobjoogayaasha.
dilalka saraakiisha Ciidanka booliiska ayaa maalmahaan ku soo badanayey magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.