Al-Shabaab oo dad ka afduubtay degaan ka tirsan Sanaag

0
223

Xubno la sheegay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa saddex qof oo shacab ah oo ka ganacsada dahabka buuraha laga soo qodo waxay ka afduubteen deegaanka Milxo oo ka tirsan gobolka Sanaag.

Degaanka milxo ee Gobolka Sanaag ayaa shalay muddo saacado ah gacanta ku haayay, waxaana la sheegay in saddexda qof xilliga ay Al-Shabaab kaxeysanayeen ay ku mashquul sanaayeen qodista dabaka Buuraha.

Taliyaha Qaybta Booliska ee Puntland G/dhexe Bashiir Cali Maxamed ayaa sheegay in ka amamul ahaan  ay ku raad joogaan ragagasi ay Al-Shabaab kaxeysten, isla markaana uu rajeynayo inay soo badbaadiyaan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in puntland ay ku dadaaleyso sidii loo sugi lahaa amniga degaannada ay ka joogaan Gobolka Sanaag, hayeeshee uusan  faah fahin guud ka bixin la wareegitaankii Al-Shabaab ee degaanka milxo.