Al-Shabaab oo shaaciyey Magacyada & Sawirrada raggii weeraray hoteelka DusitD2 ee Nairobi

0
196

Al-Shabaab ayaa markii ugu horreeysay soo bandhigay magacyada & Sawirada xubnihii ka tirsanaa ee fuliyay weerarkii lagu qaaday Hotelka DusitD2 ee Nairobi 14-kii Bishii  Janaayo ee sanadkii 2019-kii.

Magacyada & sawirada ayaa waxaa la socda Muuqaala la daawan karo muddo 7 daqiiqo ah, kaas oo ku saabsan sida uu weerarka u dhacay & dhismayaasha uu ka kooban yahay Hotelka DusitD2 ee magaalada Nairobi.

Al-Shabaab ayaa sheegay in weerarkaasi ay fuliyeen 5 ruux oo ka tirsanaa, waxaana ay sheegeen in weerarkaasi uu jawaab u ahaa tallaabadii uu Donald Trump magaalada Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Yahuudda.

Magacyada raga weerarkaasi fuliyay ayaa waxaa Al-Shabaab ay ku kala sheegeen.

1: Cusmaan Axmed Xasan

2: Cali Saalim

3: Cabdi Qani Carab Yuusuf

4: Maxamed Aadam Nuur

5: Maahir Khaalid

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo warbaahinta la hadlay xilligii la soo geba-gabeeyay weerarkaas ayaa sheegay inay dileen dhamaan dagaalamayaashii weerarka ku qaaday Hotelka, isla markaana khasaaraha dhimashada ay gaareyso 14 ruux oo ahaa dadkii ku sugnaa Hotelka.