Al-Shabaab oo weerar ku qaaday saldhiga ciidamda Kenya

0
213
Somali policemen carry a wounded person to an ambulance outside the Sahafi Hotel in Mogadishu, Somalia Sunday, Nov. 1, 2015. A Somali police officer says an explosion followed by heavy gunfire has been heard at a hotel in the Somali capital. The hotel is often frequented by Somali government officials and business executives. (AP Photo/Farah Abdi Warsameh)

Dagaal ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM gaar ahaan kuwa kenya iyo  Al-Shabaab waxaa uu ku dhex-maray degaan ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, waxaana ka dhashay qasaaro kala duwan.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii sida la sheegay Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig Ciidamada Kenya  ku leeyihiin degaanka Kulbiyow oo hoostaga Dagmada Badhaadhe Ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday muddo dhowr saacadood ah.

Dadka degaanka Kulbiyow ayaa waxey sheegeen inay maqlayeen  dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen Ciidamada Kenya & Al-Shabaab, balse aysan cadeyn Karin khasaaraha ka dhashay maadaama dadka Shacabka ah aysan tegi karin goobaha lagu dagaalamo.

Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyada weerarka lagu qaaday saldhiga Ciidamada Kenya ee degaanka Kulbiyow ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalkii dhacay ay ku dhaawacmeen laba kamid ah askarta Ciidamada Kenya.

Dagaalka ka dhacay degaanka Kulbiyow ee Gobolka jubbada hoose ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli saacadihii la soo dhaafay uu dagaal ku dhex-maray degaanka Hosingow ee Gobolka Jubbada Hoose Ciidamo Kenyan ah oo ka tirsan AMISOM & Al-Shabaab.