Baarlamaanka Switzerland oo doortay Madaxweyne Cusub.

0
211

Parmelin oo 61 jir kana soo jeeda Switzerland gaar ahaan qeybta looga hadlo luuqada  Faransiiska ayaa helay 188 cod, iyada oo loo doortay in uu noqdo Madaxweynaha dalka Switzerland.

Parmelin wWaxa uu ka tirsanyahay xisbiga Shacabka ee ka soo horjeeda soo galootiga iyo Midowga Yurub, waxaana la filayaa in uu xilka kala wareego Simonetta Sommaruga marka ka gaaro 1-da bisha Janaayo 2021.

Sidoo kale Ignazio Cassio oo ka tirsan Xisbiga FDP ayaa isna Baarlamaanku ay u doorteen Madaxweyne Ku-xigeenka.

Ninkan ayaa waxa uu ka soo jeeda Gobolka looga hadlo Luuqada Talyaaniga.