Banaanbax looga soo horjeeda Madaxweyne Farmaajo oo ka socda Muqdisho

0
263

Waxaa goordhow Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan degmada Kaaraan ee Gobolkan Banaadir ka bilowday Banaanbax xoogan oo looga soo horjeedo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dadweyne farabadan oo isugu jira dhalinyaro, haween, Caruur iyo Odayaal ayaa isugu soo baxay waddo ku taalla degmada Kaaraan, iyagoona siweyn uga horjeeda Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dowladda Federaalka.

Banaanbaxayaasha ayaa wata boorar  ay ku xar-dhan yihiin erayo looga soo horjeedo Madaxweynaha, sidoo kalena ku qeylinaya erayo ay kamid yihiin doonimeyno kaligiis taliye iyo Erayo kale.

Sidoo kale banaanbaxayaasha ayaa waddooyinka ku gubaya taayawo waaweyn, isla markaana xiray wadada, waxaana kahad ku jira isku socodka gaadiida iyo dadka, waxaana dadkaas ay yihiin kuwa careysan.

Banaanbaxa ka bilowday Muqdisho ayaa waxaa soo abaabulay Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana saacadihii lasoo dhaafay Caasimadda ka socday abaabulka Banaanbaxyo xoogan oo looga horjeedo Madaxweyne Farmaajo iyo DFS.