Dadka Ingiriiska oo lagu bilaabay talaal loogu talo galay xanuunka Coronavirus.

0
214

Tallaal loogu talo galay daaweynta xanuunka Coronavirus ayaa maanta lagu bilaabay dadka Ingiriiska, waxaana qofkii ugu horeeyay ee talaalkaan qaata gudaha Ingiriiska uu noqday haweeney 90 sanno jir ah oo la yiraahdo Maargareet Keenan.

Haweeneydaan ayaa la muday irbad talaal ah, waxaana ay mar labaad talaalkaan oo kale qaadan doontaa todobaadka dambe.

Dawladda Ingiriiska waxay sheegtay in ololahaan maanta bilowday qorshuhu yahay in muddo bil ah la talaalo dad gaaraya 4 million oo qof.

Si guud dawladu waxay qorshaysay in wajiga koowaad lagu talaalo 40 million oo qof dalka oo dhan.

Xog’hayaha caafimaadka Britain Matt Hancock ayaa sheegay in dadka Ingiriiska looga baahanyahay inay talaalkaan qaataan, maadaama uu waxtar weyn u leeyahay qorshaha lagula dagaalamayo xanuunka safmareenka ah ee Karoona.