Dowlada Soomaalliya oo War ka soo saartay duqeyn maanta laga fuliyey Jilib

0
328

Dowlada Somalia ayaa war ka soo saartay duqeyn manta dayuuradaha Maraykanku ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe oo ay gacanta ku hayaan kooxda Al-shabaab.

Qoraal ka soo baxay Wasaarada Warfaafinta xukuumada Somalia ayaa lagu sheegay in duqeyntaas lagu laayey 10 ka tirsan Al-shabaab, laguna burbur goob lagu farsameyn jiray qaraxyada.