FAAH FAAHIN Magacyada iyo Sawiradda Saraakiishii galabta lagu Dilay duleedka Guriceel

0
635

Waxaa galabta weerar lagu qaaday gaadiid ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda  Soomaaliya xilli ay ku sii jeedeen degmada Balanballe oo ka tirsan gobolka Galgaduud, kana baxeen Guriceel.

Ciidamadaan oo ka tirsan xoogga dalka ayaa ka baxay Xerada tababarka Xoosh ee degmada Guriceel, maleeshiyaad hubeysan oo sida wararku sheegayaan ka soo jeeda degmada Guriceel ayaa dhexda u galay

Wararka ayaa sheegaya in weerarkaas lagu dilay 6 sarkaal waxaana magacyadooda lagu kala sheegay.

1-Gaashaanle Dhagaqool Yuusuf.

2-Gaashaanle Cabdi Guuna Guune

3- Laba Xidigle Faarax Jaamac Colaad

4- Kabtan Shariif Cirro Maxamed,

5-Gaashaanle  Gaangul Xalane,

6- Kabtan Siciid Xassan Faleey

Sidoo kale waxaa jira Saraakiil Nolol iyo geeri intaba lagu la’ayahay, kuwaasoo Magacyadooda lagu sheegay.

1-Laba Xidigle Qalbi Indha tag,

2-Gaashaalne Cayrow Warsame Xassan iyo.

3 Kabtan Suldaan Dirir.

Saraakiisha & Ciidamada ka tirsanaa Millateriga Soomaaliya oo dhamaantood isku beel ahaa ayey wararka qaarkood sheegayaan in loo dilay falal la xiriira aanooyin qabiil oo waayadii dambe ka jiray beelaha dega Guriceel iyo Balanbale.

Madaxda Galmudug Saraakiisha qeybta 21aad ee Millateriga Soomaaliya & weli kama hadlin weerarkaas, waxaana ciidamadii ku dhintay la geeyay degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud.