Guddiyada kala dhiman ee doorashooyinka oo la xareeyay

0
220

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xareeysay Xubnaha Guddiyadii doorashada heer dowlad goboleed ee kala dhimanaa, iyadoo la dejiyay Hotelka Peace, ee Magaalada muqdisho.

Xubnaha guddiyada la xareeyay ayaa kala ah Guddigii doorashada dowlad goboleedyada Koofur Galbeed, Hirshabeelle iyo min saddex xubnood oo Xukuumadda ku kordhisay guddiyada doorashada heer dowlad goboleed.

Warar la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Guddigii doorashada Galmudug aysan ka mid noqon kuwa la xareeyay, waxaana la sheegay in Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye uu dalbaday in dib loogu dhigo, iyadoo Maanta uu imaan doono Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale guddigii doorashada dowlad goboleedka Puntland iyo Jubbaland ayaan weli la soo gudbin, iyada oo Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland ay sheegeen in aysan soo gudbin doonin ilaa laga xaliyo khilaafka ka dhashay guddiyada ay Xukuumadda Soomaaliya soo magacaawday iyo in Dowladda Soomaaliya ay kala soo baxdo Ciidamadii ay geysay Gobolka Gedo.

Xubnaha guddiyada doorashada heer dowlad goboleed ee kala dhiman ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta tababar lo furo, si markii ay soo dhameystaan ay u bilaabaan howlahooda Shaqo.

Midowga musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya iyo inta badan Xubnaha mucaaradka ayaa kasoo horjeetay Guddiyada doorashooyinka ay Magacaawday Xukuumadda Soomaaliya, iyaga oo sheegay in laga soo xulay Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya iyo Shaqaalaha dowladda laguna kalsoonaan Karin.