Horudhac: Barcelona vs Levante… (Blaugrana oo indhaha ku haysa caawa inay ka soo kabato guuldarrooyinkii xiriirka ahaa ee soo gaaray.

0
265

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa indhaha ku haysa inay ka soo kabato guuldarrooyinkii is-xigay ee soo gaaray, marka ay sii wadayaan ciyaarahooda horyaalka La Liga ee fasal ciyaareedkan.

Blaugrana ayaa garoonkeeda Camp Nou kulan ka tirsan horyaalka Spain caawa ku soo dhoweynaysa naadiga Levante.

Kooxda reer Catalan ayaa khasaaro kala kulantay Cadiz todobaadkii hore ciyaar qeyb ka ahayd horyaalka La Liga, waxaana ay fadhiyaan haatan kaalinta sagaalaad ee kala sarreynta horyaalka.

Dhanka kale Levante ayaa ku jirta booska 18-aad, iyadoo qeyb ka ah saddexda kooxood ee ugu hooseeya horyaalka lugahana la gashay kaalimaha looga laabto horyaalka, kaddib markii ay uruursatay 11-dhibcood.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Spain – La Liga

Taariikhda: Axad 13 Dis  2020

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 11:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Camp Nou

Garsooraha: Ricardo De Burgos (Spain)

Wararka Kooxaha:-

Philippe Coutinho ayaa la filayaa inuu ku soo bilaaban doono garabka bidix ee kooxda Barcelona inkastoo uu si kooban kaga maqnaa tababarka todobaadkan dhibaatooyin shaqsiyadeed.

Martin Braithwaite ayaa la filayaa inuu hoggaamiyo safka weerarka kooxda martida loo yahay, iyadoo Lionel Messi iyo Antoine Griezmann ay ka ciyaarayaan meel aan isaga ka fogeyn.

Samuel Umtiti ayaa laga yaabaa inuu ku soo laabto safka si uu uga ciyaaro daafaca dhexe, laakiin Ronald Araujo ayaa la filayaa inuu Clement Lenglet la wadaago booskaas kulanka caawa.

Jorge De Frutos ayaa la filayaa inuu sii heysto booskiisa garabka midig kaddib qaab ciyaareed wanaagsan oo uu dhowaan la soo baxay Levante.

Ruben Rochina ayaa la filayaa inuu ku soo bilowdo kulankiisii ugu horreeyay ee kooxdiisii hore, iyadoo Gonzalo Melero iyo Nikola Vukcevic ay u badan tahay inay ku jiri doonaan khadka dhexe.

Dani Gomez waa inuu helaa magacaabista si uu ugu soo bilowdo booska koowaad ee uu uga garab ciyaaro Roger Marti, iyadoo Jose Luis Morales laga yaabo inuu saameyn ku yeesho ciyaartan kursiga keydka.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

>- Barcelona ayaa guuleysatay 15-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay garoonkeeda ku soo dhoweysay kooxda Levante tartammada oo dhan.

>- Kooxda Barcelona ayaan la garaacin 34 ka mid ah 36-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay garoonkeeda ku ciyaartay kulammada horyaalka La Liga.

>- Barcelona ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool todobo ka mid ah siddeedeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay garoonkeeda ku qaabishay kooxda Levante tartammada oo dhan.

>- Kooxda Levante ayaan la garaacin lixdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay kulammada horyaalka La Liga.