Jarmalka iyo Finland oo haween ka soo celiyay xeryaha ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah.

0
217

Jarmalka iyo Finland ayaa waxa ay dalkooda dib ugu celiyeen shan haween ah iyo 18 carruur ah oo ku jiray xeryo ku yaal waddanka Suuriya oo ay ku nool yihiin xubno looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee labadaasi dal ayaa sheegay in haweenka iyo carruurta dib dalalkaas loogu soo celiyay todobaadkan sababo bini’aadamnimo.

Saddex haween ah ayaa waxaa lagu hayaa baaritaan ah eedo la xiriira inay ka tirsan yihiin ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah, warbaahinta Jarmalka ayaa sidaas ku warramaysa.

Boqollaal qof oo u dhalatay Yurub oo hore ugu biiray ururka Daacish ayaa haatan waxa ay ku jiraan xeryaha ku yaal waqooyiga Suuriya ee ay Kurdiyiinta maamulaan.