Joe Biden oo ka gudbay caqabaddii u dambeysay ee ka hor istaagi lahayd Aqalka Cad.

0
171

Joe Biden madaxwaynaha la doortay ee Mareykanaka ayaa sheegay “in rabitaankii shacabka uu meel maray ” ka dib markii guushii uu doorashada ka gaaray lagu ansixiyay nidaamka ergada ee loo yaqaano (electoral college).

Khudbad uu jeediyay ka dib markii go’aankani lagu dhawaaqay, waxaa uu sheegay in dimuqraadiyadda Mareykanka “halis ” la galiyay islamarkana “ay cadaatay adkeysiga iyo awoodda dimuqraadiyadda”.

Ansixintan ayaa ah tallaabadii ugu dambeysay ee looga baahnaa Mr Biden si uu xafiiska ula wareego 20-ka bisha Janaayo.

Madaxwayne Donald Trump imika loogama baahna xitaa in uu aqbalo natiijada.