Joe Biden oo Magacaabay Masuul Cusub.

0
176

Madaxweynaha dooran ee Mareykanka Joe Biden ayaa u xushay Pete Buttigieg, in uu hoggaamiyo Waaxda Gaadiidka ee maamulkiisa cusub.

Buttigieg ayaa mar ahaa qof ay aad u xifaaltameen Biden, intii uu jiray ololihii is-reeb reebka xisbiga Dimuqraaddiga ee qofka u matali lahaa tartanka doorashada, kaasi oo Biden uu ku guuleystay.

Buttigieg, oo horay u soo noqday duqii magaalada South Bend, ee Indiana, ayaa ololihiisa oo dar-dar ku billowday kadib uu hoos u dhacay, taas oo sababtay in uu tartanka ka haro isla markaasina uu taageero u muujiyo Biden.

Madaxweyne Biden ayaa 38 jirkan Buttigieg ah la meel dhigay, sida wiilkiisa Beau oo kale, kaas oo u geeriyooday cudurka cancer-ka.