Khasaaro Ka Dhashay Dab Xoogan Oo Ka Kacay Muqdisho

0
208

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab xoogan barqannimadii Maanta ka dhacay Guri ku yaalla xaafad ka tirsan degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, kaasi oo heystay khasaaro hantiyadeed oo badan.

Dabka ayaa marka horey ka bilowday Guri ku yaalla meel ku dhow beerta Jaadka ee Magaalada Muqdisho, kadibna waxaa uu kusii faafay guryo kale oo ku deganaa, isla markaana waxaa uu socday muddo ku dhow saacad, wallow markii dambe la demiyay.