Kooxda Manchester United oo go’aan ka gaartay mustaqbalka Paul Pogba,

0
266

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa go’aan ka gaartay mustaqbalka laacibkeeda khadka dhexe ee Paul Pogba.

Xiddiga reer France ee Paul Pogba ayaana la soo warinayaa inuu ka bixi doono sida ugu dhaqsaha badan garoonka Old Trafford, gaar ahaan marka la gaaro bisha Janaayo.

Paul Pogba ayaa xaqiijiyay inuu doonayo inuu ka tago Manchester United kaddib wadahadal uu la yeeshay tababare Ole Gunnar Solskjaer markii la dhigay kursiga keydka la dhigay kulankii Champions League ee Leipzig, sida uu daabacay Wargeyska Daily Mail.

Sida warbixinta lagu sheegay Man United ayaa doonaysa inay iska iibiso Paul Pogba suuqa kala iibsiga ee bisha Janaayo haddii ay ku helaan qiimaha ay ku doonayaan, maadaama horraan wakiilka ciyaaryahankan uu shaaciyey inuu laacibkan doonayo inuu isaga tago kooxda.

Juventus ayaa si aad ah u doonaysa saxiixa xiddiga ku guulaystay Koobka Adduunka, waxaana ay rajeynaysaa inay la soo saxiixato marka uu furmo suuqa kala iibsiga Janaayo.

Paul Pogba kooxaha kale ee doonaya saxiixiisa waxaa ka mid ah Real Madrid oo rabta inay ku xoojiso safkeeda, si la mid ah naadiga reer France ee PSG.