Laamaha Amaanka oo ku raad jooga Nin dil ka geystay Cabduwaaq

0
220

Ciidanka amniga Magalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud oo kaashanaya ciidanka gaarka ah ee harmacad ayaa ku raad joogah Nin hubaysan oo Maanta duleedka degmadaas ku dilay wiil dhalinyaro ahaa.

Saraakiisah Ciidamada ayaa waxay sheegeen in ay gacanta ku soo dhigi doonan ninkaas hubaysan ee dilka gestay si cadaaladda loo horkeeno.

Maalmihii la Soo dhaafay waxaa ku soo badanayay deegaanada Maamulka galmudug falalka amni xumo ee u badan dilka loo gaysanoyo dad isku jira ciidan iyo Shacab.

Howlgalkan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug ay weli baadi-goob ku hayaan maleeshiyaad maalin ka hor duleedka degmada Balannalle ee gobolka Galgaduud ku dilay Saraakiil ka tirsanaa Ciidamada Millateriga Soomaaliya.