Madaxda dowladaha Itoobiya iyo Suudaan oo kulan xasaasi ah yeeshay

0
193

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Ra’iisul Wasaaraha Suudaan Abdalla Hamdok ayaa saaka ku yeeshay kulan laba geesood ah Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya.

Intii uu kulanka socday, labada hoggaamiye waxay muujiyeen xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal oo saldhig u ah sii xoojinta iskaashiga labada dal.

Intii lagu guda jiray khalalaasihii kajiray dalka Suudaan ayaa Ra’iisul Wasaaraha itoobiya Abiy Axmed waxaa uu taageero u muujiuau dowladda Suudaan, waxaana Ra’iisul Wasaaare Hamdok uu ku celceliyey in uu taageersan yahay midnimada Itoobiya & howlgalka ka dhanka ah Tigray.

Warbaahinta itoobiya ayaa shaacisay in wadahadalka labada hogaamiye uu kusoo dhamaaday isfaham dhowr arimood oo dan u ah labada dal, sida laga soo xigtay xafiiska Raiisul wasaaraha.