Madaxweynaha Puntland oo la kulmay wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya

0
152

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid cabdullaahi deni ayaa Magaalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal ku qaabilay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo booqasho ku jooga halkaas.

Wasiirada oo kamid ah wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa kamid ah, Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo  Kheyraadka Badda Cabdullaahi Bidhaan Warsame, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim. Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Carab) iyo Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Kulanka wasiirada ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya & Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa  looga hadlay hormarinta Cadaaladda, waxbaarshada iyo in la xoojiyo wada shaqeynta Hay’addaha Dowladda Federaalka & Maamulka untland.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan magaalada garoowe ayaa la filaya ain uu markale la kulmo Madaxweyaha Puntland maadaama kulankoodii shalay uu natiijo la’aan ku dhamaaday, kadibna uu u gudbo Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.