Madaxweynaha Soomaaliya Oo ka Qeeyb Galay Shir Madaxeedka IGAD.

0
182

Maanta oo Axad ah ayaa waxaa la filayaa in Magaalada jabuuti ee dalka Jabuuti in uu ka furmo Shir madaxeedka dalalka IGAD, kaas oo sanadkaan looga hadlayo laba qoodb oo muhiim u ah wadadamada Geeska Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo xalay gaaray jabuuti ayaa shirka ka qeyb-geli doona, waxaana looga hadlayaa xaaladda guud ee dalalka IGAD, iyadoo si gaar ah diiradda loogu saari doono khilaafka wadamada Soomaaliya iyo Kenya, xaaladda gobolka Tigreey ee dalka Ethiopia iyo saamaynta wadamada IGAD uu ku yeeshay xanuunka Covid-19.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo oo khudbad dheer ka jeedin doona shirka ayaa ka hadli doono xaalada Soomaaliya, khilaafka xoogeystay ee xilligan kala dhaxeeya Dowladda federaalka Soomaaliya Kenya iyo sameynta uu Cuudrka Coronavirus ku yeeshay Soomaaliya.

Madaxda kale ee dalalka IGAD ayaa si kulul waxaa ay uga doodi doonaan khilaafka u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya, iyaga oo dadaal farabadan ku bixin doona sidii xal looga gaari lahaa khilaafkaas.

Soomaaliya ayaa todobaadkii hore warqad astako ah oo ka dhan ah Kenya u dirtay Ra’iisal wasaaraha Sudan Cabdalla Xamduuk oo xilligan ah gudoomiyaha IGAD, taas oo ay ka dhalatay in la qabto shir deg deg ah oo arrintan iyo xaaladaha kale ee wadamada IGAD dhexdooda ka jira looga hadlayo.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdiga la socda ayaa waxaa ay kulan doceedyo la qaadan doonaan Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah IGAD, si loo xoojiyo doorka dalkeennu uu ka qaadanayo qorsheyaasha wadajirka ah ee heer Gobol, kuwaas oo ku dhisan wax-wada qabsi, iskaashi dhaqaale, amni iyo siyaasadeed.