Madaxweyne la ganaaxay kaddib markii uu isa soo sawiray af-saab la’aan.

0
182

Madaxweynaha dalka Chile, Sebastián Piñera, ayaa lagu ganaaxay 3,500 oo doolar kaddib markii uu jebiyay amarka ka hortagga cudurka Covid-19 isla markaana uu sawir la galay qof dumar ah isaga oo aan af-saab xirnayn.

Madaxweyne Piñera ayaa arrintaasi raalligelin ka bixiyay kaddib markii horraantii bishan intarneedka lagu baahiyay madaxweynaha oo la sawiran haweeney aan iyaduna xirnayn af-saab.

Madaxweynuhu waxa uu qiray in ay habboonayd in uu af-saabto markii uu haweeneydaasi sawirka la galayay, taa oo iyada ka codsatay in ay isla sawirto madaxweynaha oo ku sugnaa xeeb u dhow magaalada uu ku dhashay ee Cachagua