Midowga Murashaxiinta oo war kasoo saaray banaanbaxyadii Muqdisho

0
187

Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu si kulul u canbaaraynayaa rasaastii ay ciidanka dawladda Federaalka ahi sida arxan darrida ah ugu fureen shacabka Soomaaliyeed ee sida nabadda ah ugu mudaaharaadayey magaalada Muqdisho.

Golohu wuxuu mas’uuliyada eeddaas dusha ka saarayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah Maxamad Cabdullaahi Farmaajo oo ciidanka Gorgor, iyo Haramcad ee ay dawladda Turkiga tababartay u adeegsaday caburinta shacabka mudaaharaadayey.