Muxuu yahay hubka uu Turkiga helay ee Mareykanka halista galiyay?

0
168

Mareykanka ayaa cunaqabateyn kusoo rogay Turkiga oo ay ka wada tirsan yihiin isbahaysiga NATO, kaddib markii Turkiga uu gacanta ku dhigay gantaallada difaaca ee uu Ruushka sameeyo, kuwaasoo uu ka dalbaday sanadkii lasoo dhaafay.

Mareykanku wuxuu sheegay in qalabkaas gantaalaha ee S-400 ee Ruushka lagu farsameeyay uu yahay mid aan la jaan qaadi karin tiknolojiyadda NATO, sidoo kalana uu khatar ku yahay isbahaysiga Euro-Atlantic.

Cunaqabateynta ay ku dhawaaqday waaxda arimaha dibada, maalintii Isniinta, ee ka dhanka ah Turkiga, waa mid lagu bartilmaameedsaday waaxda soo iibinta hubka ee dalkaas.

Tallaabadaas waxaa si degdeg ah u cambaareeyay mas’uuliyiinta Turkiga iyo Ruushka.

Mareykanku wuxuu si cad Turkiga ugu sheegay, weliba heerkii ugu sareeyay, in qalalbka gantaalka ee S-400 uu halis galinayo amniga teknolojiyadda iyo militariga ee Mareykanka, ayna dhaqaale badan ka heli doonto waaxda difaaca ee Ruushka iyo sidoo kale in hubkan uu halis gelinayo ciidamada qalabka sida ee Turkiga iyo warshadaha difaaca,” ayuu yiri xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, Mike Pompeo.

“Iyadoo arrintaasi ay jirto, Turkiga wuxuu go’aansaday inuu soo iibsado, tijaabiyayana gantaallada S-400,” ayuu sii raaciyay.

Cunaqabateyntan ayaa lagu bartilmaameedsaday Madaxa Agaasinka laamaha Difaaca ee Turkiga, Ismaaciil Demir iyo seddex kale oo shaqaale ah.

Waxaa ka mid ah mamnuucida oggolaanshaha dal-ku-galka Mareykanka iyo sidoo kale in la xannibo wixii hanti ah ee u yaalla goobaha uu Mareykanka awoodda u leeyahay.