Ra’iisul wasaare Rooble iyo Odayaasha Cadaado maxay ka wada hadleen?

0
168

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan wadatashi ah la yeeshay  waxgaradka degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud oo uu shalay gaaray.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay kaalinta hormuudka ah ee ay kaga jiraan nabadeynta iyo isku tashiga iyo isku duubnida bulshada Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa  ku boorriyay odayaasha dhaqanka iyo madaxda dowlad Goboleedka Galmudug in ay dardar galiyaan  dadaallada lagu xallinayo tabashooyinka iyo xurgufaha ka jira deegaannada qaarkood, si loo xaqiijiyo maamul horumarsan,nabdoon oo ka tarjumaya Galmudug oo mideysan.

Waxaa uu sidoo kale baaqay in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka iyo hay’addaha kala duwan ee maamulka Galmudug si loo xaliyo tabashooyinka taagan.