Ra’iisul Wasaare Rooble oo gaaray magaalada Garowe

0
186

Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu horkacayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Wafdiga uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Garowe ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin uu horkacayay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,waxaana ka mid ahaa Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland  Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiye Ku-xigeenka koowad iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiilada Mudane Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Ismaaciil Maxamed Warsame, Goleyaasha Dowladda Puntland, Saraakiisha Ciidamada, Maamulka Gobolka iyo kan degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Garoowe.

Ujeedada booqashada Ra’iisul Wasaare Rooble oo ah sidii xal loogu heli lahaa khilaafka ka jira doorashada dalka gaar ahaan guddiyada doorashada ee ay xukuumadu magacawday.