SAWIRO: Wasaarada Caafimadka Hirshabelle oo kulan aqoon is-wiidaarsi ah Baladweyne ku qabatay

0
201

Is dhaafsiga xogta xaaldaha caafimaad ee gobalka Hiiraan waxa uu ahaa hal ku dhiga kulan aqoon is wiidaarsi ah oo mudo laba maalin ah magaalada Baladweyne kaga socday hay’adaha caafimaadka ka shaqeya ee ka howl gala gobalka iyo madaxda Wasaarda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee dowlad gobaledka Hirshabelle.

kulanka xog wareysiga ahaa ee Baladweyne lagu soo gaba gabeyay waxa ka qeyb galay ku dhawaad 35-ruux oo ka socday hay’adaha caafimaadka gobalka iyo Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee maamulka Hirshabelle, waxana uu qeyb ka ahaa kulama sanadkiiba afar jeer la qabto si loo ogaado  xalaadaha caafimaad ee u baahan wax ka qabashada.

Markii uu soo gaba gaboobay kulan is dhaafsiga xogaha la xariira caafimaadka waxa warbaahinta la hadlay Maxamed Axmed Kaabax oo ah masuul ka tirsan Wasarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee maamulka Hirshabelle qeybteda marwo caafimaad, waxana uu si guud u sharaxay waxyaabihii diirada lagu saaray mudadaii labada cisha aheyd oo ay socdeen kulamada.

“Waxa uu qeyb ka ahaa kulamo is xog wareeysi ah oo dhexmara Hay’adaha kahowl gala Hirshabelle gaar ahaan gobalka kuwa ka shaqeya dhinaca Caafimaadka iyo Wasaarada Arimaha Caafimaadka Hirshabelle, waxana uu ujeedku yahay in xog la kala helo isla markaana la isla socda, waxa isla qaadanay ka wasaarada ahaan iyo Hay’adihii caafimaadka ee nagala qeyb galay odoba dhowr ah oo aynu aga bilaabo maanta ku dhaqaqi doono waxana jiri doono gudiya howlahaas daba gal ku sameya kulamadeena xigana waxey noqon donaan maxaa noo qabsoomay iyo waxa naga dhiman”.