SAWIRRO: Jabhadda Xaq U Dirirka Hiiraan “Waxa 15-cisha ku dhiseeynaa Hiiraan State”

0
259

Kulan ay wada qaaten odayaasha dhaqanka gobalka Hiiraan iyo Hogaanka jabhadda Xaq U Dirirka Hiiraan ayaa waxay kaga hadlen diidmada shacabka reer Hiiraan ee Maamulka Hirshabelle iyo kulamdii dhawaan fashilmay ee dhexmaray Wasiirka arimaha gudaha Mukhtaar Xusen Afrax iyo hogaamiyaha Jabhadda Jen, Abuukar Xaaji Warsame Xuud.

Ka qeyb galayaasha kulanka ka dhacay duleedka magaalada Baladweyne oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay isla qateen dhismaha Maamulka Hiiraan State, isla markaana ay kusoo dhisi donaan mudo 15-cisha ah.

Qaar kamid ah odayaashii iyo waxgaradkii kulanka la qaatay hogaamiyaha Jabhadda la magac baxday Xaq u Dirirka Hiiraan oo kulanka markii uu soo gaba gaboobay la hadlay wariyaasha waxey sheegen in bulshada reer Hiiraan ka siman yihiin diidmada mamaulka Hirshabelle isla markaana ay si wada jir ah u dhisan donaan maamul ka madax banan kan Hirshabelle.

Jen. Abuukar Xaaji Warsame Xuud oo gaba gabadii goobta kulanka ka hadlay waxa uu shaaciyay inay dhisayaan maamul lagu magacaabo Hiiraan State mudo shan iyo taban cisha gudaheed ah, wa xana uu dhanka kale uu madaxda maamulka Hirshabelle ee ku sugan Baladweyne ugu baaqay inay si deg deg ah uga baxaan Baladweyne waa sida uu hadalka u dhigaye.

Hadalka kasoo yeeray odayaasha dhaqanka Gobalka Hiiraan iyo Hogaanka Jabhadda lagu magacaabo Xaq U Dirirka Hiiraan ayaa waxa uu imaanaya kadib markii dhawaan afayeen u hadlay Jabhadda uu sheegay inuu fashilmay wada hadalo dhexmaray Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Hogaanka sare ee Jabhadda.