Soomaaliya Ma yeelan kartaa dhowr madaxweyne Sanadkan?

0
163

Iyadoo arrimaha doorashooyinka Soomaaliya gaar ahaan guddiga doorashooyiinka dowladda dhexe uu khilaaf ka taaganyahay, haddana musharixiinta mucaaradka ah oo dhowr shir ku yeeshay Muqdisho waxay ku dhiseen guddi loogu magacdaray ‘Badbaadada Doorashooyinka Qaranka’ kuwaas oo shaley iska doortay guddoomiye iyo xoghayn.

Musharrixiinta mucaaradka ayaa ku doodaya in dowladda Soomaaliya ay iska indha tirtay cabashooyinka laga keenay guddiga doorashooyinka ee heer Federal, kuwaas oo shaqadooda billaabay iyadoo kwuii Puntland iyo Jubbaland ay weli maqan yihiin.

Yuusuf Xasan Mursal oo ah guddoomiyaha guddiga midowga musharraxiinta ayaa BBC u sheegay in sababta ay ugu dhawaaqeen guddiga ay tahay in la badbaadiyo hannaanka doorashada, si heshiis looga gaaro muranka ku saabsan arrimaha doorashada.

“Waxaa inoo muuqda in la badbaadiyo hannaanka doorashooyinka qaranka ee heer federaal iyo maamul goboleedba. Sida ugu saxan ee lagu badbaadin karo waxay tahay in la sameeyo guddigan lagu magacaabo ‘Guddiga badbaadinta doorashooyinka qaranka’, waayo doorashada dadka ayay u dhexeysaa waxaa la rabaa in dadka ay ku tartamaan mid heshiis lagu wada yahay, wadar ogol ah, la isku waafaqsan yahay qaabka ay u dhaceyso ayaa la rabaa”, ayuu u sheegay BBC Somali.

Wuxuu intaas ku daray in mucaaradka ay doonayaan in la qabto doorasho loo wada dhan yahay sii dalka looga gudbiyo marxaladda gala guurka ah, xilli uu khilaaf ka taagan yahay sida loo qabanayo doorashada.

“Waxa la badbaadinayo waxaa weeye hannaanka doorashooyinka qaranka ee 2020/21 heer maamul goboleed iyo heer federaal”.