Taliska Booliska Boosaaso oo sheegay in ay soosaareen Miino loo aasay

0
134

Taliska Booliiska Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa sheegay in Ciidamada ammaanka ay ku guuleysteen soosaarista Miino la geliyay mid kamid ah waddooyinka Xaafadaha Magaaladaas.

Ciidamada oo helay xog la xiriirta miinada la aasay ayaa sameeyay howlgal daqiiqado qaatay oo ugu dambeyn ay kusoo saareen qaraxaas sida uu Warbaahinta u sheegay Taliska Booliiska Boosaaso.

Taliyaha Booliiska Qaybta Gobolka Bari ayaa dhankiisa sheegay in Qaraxaan Al-Shabaab & Daacish ugu talagaleen in ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah ee Magaaladaas sida uu hadalka u dhigay.