Wasiir Ka Tirsan Maamulka Puntland Oo Is Casilay Iyo Sababta Keentay.

0
161

Wasiirkii Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda ee dowlad Goboleedka Puntland Maxamuud Xaaji Saalax ayaa ku dhawaaqay inuu gebi ahaan iska Casilay xilkii Wasiirnimo ee Puntland.

Qoraal uu soo saaray Maxamuud Xaaji ayuu ku caddeeyay sababta keentay inuu xilka iska Casilo xiligaan, waxaana uu ku sheegay inay tahay in isaga iyo Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ay isku fahmi waayeen nidaamka shaqo ee Wasaaradda Kalluumeysiga

Sidoo kale Wasiirkii Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Puntland ayaa waxaa uu Madaxweyne Deni u gudbiyay warqadiisa is casilaada, wuxuuna rajeeyay in uu ka aqbali doono Codsigiisa.