Weerar ka dhacay Galgaduud oo geestay Dhimasho & dhaawac

0
244

Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar gaadmo ah oo Galabta lagu qaaday gaadiid ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda  Soomaaliya xilli ay kusii jeedeen degmada Balanballe oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Ciidamadaan oo ka tirsan Millateriga Soomaaliya ayaa ka baxay Xerada tababarka Xoosh ee degmada guriceel, hayeeshee maleeshiyaad hubeysan ay rasaaseeyeen, xilli ay marayeen deeganka cagfaroge oo u dhexeeya Guriceel iyo Ballanballe.

Illo xog-ogaal ah ayaa sheegay in weerarkaas lagu dilay 4 Askari oo qaarkood saraakiil yihiin oo gaariga saarnaa halka saddex kale ay ku dhaawacmeen, iyada oo  maleeshiyaadkii weerarkaasi geystay ay goobta ka baxsadeen.

Wararka qaar ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Saraakiisha & Ciidamada ka tirsanaa Millateriga Soomaaliya loo dilay falal la xiriira aanooyin qabiil oo waayadii dambe ka jiray degaannada Dowlad goboleedka Galmudug.

Saraakiisha qeybta 21aad ee Millateriga Soomaaliya & Madaxda Galmudug weli kama hadlin weerarkaas, waxaana ciidamadii ku dhintay la geeyay degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud.