Ciidamada xoogga dalka oo Al-shabaab kala wareegay deegaano ka tirsan Hiiraan

0
127

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Nabad Sugida soomaaliya ee NISA oo mudooyinkii dambe howlgalo ka waday degmada Matabaan ayaa dagaal kula wareegay deegaano ay gacanta ku hayeen dagaalameyaasha Al-shabaab.

Deegaanka ay ciidamada dowladda Soomaaliya la wareegeen ayaa waxaa lagu magacaabaa ilguule oo hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in dagaal culus uu dhexmaray ciidamada dowladda soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab.

Saraakiil hoggaaminayay howlgalka ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay hada gacanta ku hayaan deegaanka Ilguule, islamarkaana ay Al-shabaab halkaasi isaga baxeen.

Sidoo kale saraakiisha ma sheegin in dagaalka ay ku dileen xubno ka tirsan Al-shabaab

Wararkii ugu dambeeyay ee caawa ka imaanaya deegaanka ilguule ayaa sheegaya in xaalada ay degan tahay, islamarkaana ay deegaanka gacanta ku hayaan ciidamda dowladda Soomaaliya.