DHAGEYSO: Machadka Heritage oo ka digtay dagaal dalka ka dhici kara

0
94

Machadka daraasaadka ee Heritage ayaa faalo kooban oo uu shalay soo saaray diginin ugu diray beesha caalamka, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyo siyaasiyiinta Soomaalida in ay suurtogal tahay in uu dalka ka dhaco dagaal haddii aan la qaboojin xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa dowladda iyo siyaasiyiinta mucaarka ah.

Heritage ayaa xustay inay lagama maarmaan tahay in siyaasiyiinta mucaaradka iyo dowladda fedeeraalka ay kulan isugu yimaadaan ka hor inta uusan dhamaanin muddo xileedka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay ka harsan tahay wax ka yar 20 maalmood.

Agaasima Machadka Heritage C/rashiid Khaliif Xaashi ayaa ka waramaya nuxur faalada kooban ee ay soo saareen iyo waxyaabaha ay sida gaaka ah u taabaneyso.

halkan hoose ka dhageyso: