Dowlada Kenya oo War Kasoo Saartay hadalkii Guddoomiyaha Mandheera.

0
96

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Kenya ayaa ku gacan seyrtay hadal kasoo baxay barasaabka Mandheera oo ahaa in ururka Al Shabaab ay inta badan boqolkiiba 50 maamulaan waddooyinka deegaankaas.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa waxbo kama jiraan ku tilmaantay hadalka Cali Rooba “Inkasta oo ay caqabado jiraan taas ugu wacan marinnada Al Shabaab ee xuduudka, Mandheera gebi ahaanba ma ahan meel uu cadowga joogo si ka duwan hadalka Cali Rooba”

Kenya waxay sidoo kale sheegtay in dowladda ay ka shaqeysay xoojinta iyo horumarinta arrimaha amniga ee gobolkaas.