Duqeyn ka dhacday Jubbada Hoose Hoose iyo faah faahin laga helayo

0
92

Wararka naga soo gaaraya degmada Jamaae we Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in duqeyn diyaaradeed oo khasaaro geysatay ay ka dhacday nawaaxiga degmadaas.

Diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn ee Drone-ka ayaa fuliyay duqeynta, waxaana la sheegay in duqeynta uu ku dhintay Nabadoon Caanka ahaa degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose.

Al-Shabaab oo Maamula degmada Jamaame kana hadlay dhankooda duqeynta ayaa waxaa ay sheegeen in lagu dilay Saldaankii mid kamid ah Beelaha Soomaaliyeed  u qaabilsanaa Jubbooyinka, kaas oo lagu Magacaabi jiray Suldaan Maxamed Cabaas.

Dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka oo inta badan iska kaashada duqeymaha ayaan weli ka hadlin, waxaana duqeyntaan ay kusoo aadeysaa xilli xalay duqeyn lala beegsaday Xarumo Al-Shabaab ku leeyihiin degmada Tiyeegloow ee Gobolka Bakool.