Balcad:-In ka badan 10 ruux oo ku dhimay bas miino kula kacday.

0
100

Wararka ka imanaya magaalada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in gaari bas ah oo ka soo tegey magaalada Muqdisho kuna sii jeeday magaalada Jowhar ay miino kula qaraxday meel ku dhow deegaanka Gololey ee degmada Balcad.

Dadka deegaanka ayaa Hiiraanweyn u sheegay in qaraxan ay ku dhinteen dad ka badan toban ruux oo ahaa rakaabka iyadoo dhowr ruux ay ka badbaadeen.

Dadka deegaanka ayaa wada gurmadyo kale duwan.