Beesha Caalamka oo ku dhawaaqday in Soomaaliya lagala noqon doono Aqoonsiga

0
126

Beesha Caalamka ayaa ku dhawaaqday go’aamo culus oo ay ka mid yihiin in xayiraad la saari doono shaqsiyaadka kasoo horjeedda in doorasho dalka ka dhacdo iyo in Soomaaliya lagala noqon doono Aqoonsiga.

Warka kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa siddaan u qornaa:

Dhammaan bahwadaagta caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa si weyn uga argagaxay horgeynta maanta ee Golaha Shacabka hindise sharciyeed soo jeedinaya in lagu beddelo heshiiskii 17-kii Sebtember loo maro hannaan doorasho oo ka dhalan doona muddo-kordhin dheeri ah oo ku timaadda waajibaadka Madaxweynaha iyo Baarlamaanka. Tallaabadani waxay wiiqi doontaa sharcinimada hay’adaha qaranka waxayna caddeyn doontaa kala qeybsanaan qoto dheer oo dalka ka jirta.

Wada-hawlgalayaal ahaan, waxaan si isdaba joog ah u sheegnay in aanan taageeri doonin geeddi-socodka siyaasadeed ee barbar socda, doorashooyinka qayb ahaanta ah, ama dadaallada cusub ee horseedaya in la kordhiyo waajibaadkii hore. Hindise sharciyeedka ayaa caqabad weyn ku noqon doona wadahadalka wuxuuna sii wiiqayaa nabadda, amniga, iyo xasilloonida Soomaaliya iyo meelo ka baxsan. Hindise sharciyeedka noocan oo kale ah wuxuu sidoo kale sii daahinayaa qabashada doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo ay sugayaan dadka Soomaaliyeed.

Iyadoo lagu saleynayo horumarka hadda jira, la-hawlgalayaasha caalamiga ah waxay dib-u-qiimeyn ku sameyn doonaan xiriirkooda laba geesoodka ah ee ay la leeyihiin Soomaaliya, si loogu daro dhimista ka-qaybgalka iyo kaalmaynta, mararka qaarkoodna waxay tixgelinayaan tallaabooyin ay ka mid yihiin ka noqoshada aqoonsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo beegsiga shaqsiyaadka cunaqabateynta iyo safarada. hogaamiyaashaas oo caqabad ku ah horumarka.

Saaxiibada caalamku waxay diyaar u yihiin inay bixiyaan xafiisyo wanaagsan si loo fududeeyo loona soo nooleeyo wadahadal loo dhan yahay oo ku saleysan heshiiskii 17 Sebtember.